Posts

Qaniinyada masaska Geeska Afrika

  Qaniinyada masaska Geeska Afrika waa arrin caafimaad oo culus balse inta badan aan si wanaagsan loo soo sheegin, gaar ahaan meelaha miyiga ah ama ka fog xarumaha caafimaadka. Gobolkani waxa uu hoy u yahay noocyo badan oo masas ah, inkastoo kuwa qaniinyadoodu khatarta tahay ay kooban yihiin, sida noocyada abeesada (vipers), abgurida (puff adders), noocyada kobraha (cobras), jilbiska (mambas), iyo kuwo kale oo tiro yar.  Qaniinyada noocyadan waxa ay sababi karaan dhimasho, naafo, barar, iyo dhaawac unugyada ah haddii aan si degdeg ah loo daaweyn. Helitaanka adeegyada caafimaad ayaa xaddidan meelaha ay inta badan ka dhacaan qaniinyadu, waxaana xaaladda sii adkeeya aqoon la’aanta noocyada masaska, helitaan la’aanta daawada ka hortagga sunta (antivenom), iyo dib u dhaca lagu gaadho xarumaha caafimaadka, gaar ahaan tuulooyinka fog. Intaa waxaa dheer, dhaqamada bulshada iyo ku tiirsanaanta daawo dhaqameedka ayaa mararka qaarkood dib u dhigta daaweynta, taas oo ka sii dartay x...

Dib-u-eegista Nidaamsan (Systematic Review)

  Dib-u-eegista nidaamsan (systematic review) waa hab cilmiyeed nidaamsan oo lagu soo koobo caddayn cilmi baarista ee mowduuc ama su’aal. Samaynta dib-u-eegista nidaamsan waxay raacdaa nidaam cad sida  qeexidda su’aal cilmiyeeda oo diiradda saaraysa, dejinta shuruudo cad oo lagu xusho daraasadaha la tixgelinayo, iyo samaynta baaritaan ballaaran oo ku saabsan xog-ururin cilmiyeed. Ujeedadu loo sameeyo dib u eegista nidaamsan waa in la helo dhammaan cilmi baarisyada tayada sare leh ee ka jawaabaya su’aasha cilmiyeed, lana soo koobo natiijooyinkooda si hufan oo la soo celin karo. Waxaa badanaa loo isticmaalaa si loo taageero go’aamada, in la muujiyo meelaha cilmi-baaris dheeri ah looga baahan yahay, iyo in la bixiyo soo koobid la isku halayn karo. Habkan wuxuu yareeyaa eexda wuxuuna kordhiyaa kalsoonida natiijooyinka laga soo saaro qoraallada hore.

A Cry for Dallo: Mourning the Loss of a Unique Biodiversity Sanctuary

I write these words with a heart burdened by grief, mourning the burning of Dallo Forest, a place unlike any other in the region. Dallo was not just a forest; it is a rare and irreplaceable ecological jewel, a biodiversity hotspot teeming with life found nowhere else on Earth. Its destruction is not only an environmental tragedy; it is a cultural, scientific, and spiritual loss that touches all who care about nature, heritage, and the fragile future of our planet. Apart from its beautiful landscape and nature, Dallo Forest is unique in its biological richness and ecological significance. It was home to many endemic species (species that existed only in this forest and nowhere else in the world). From specialized forest plants and flowering herbs to rare bird species with restricted ranges, from elusive reptiles that adapted to its cool, shaded understorey to a remarkable variety of invertebrates still largely unstudied by science, Dallo held within it a living archive of evolution and ...

Xadgudubka waxbarashadda iyo Saameyntiisa

Xadgudubka aqoonta waxa lagu qeexaa sheegasho aqooneed oo aan waafaqsanayn anshaxa iyo hufnaanta waxbarasho, taas oo uu arday ama cilmi-baare si ula kac ah ugu sameeyo shaqooyinka waxbarashada. Ficilladan waxay sababi karaan in la helo natiijooyin aan dhab ahayn, kuwaas oo si weyn u dhaawaca kalsoonida nidaamka waxbarasho. Noocyada ugu waaweyn ee xadgudubka aqoonta waxaa ka mid ah xatooyo qoraal (plagiarism), khiyaano imtixaan, been-abuur xogeed (fabrication), iyo sheegasho qoraal aqooneed oo aanu sheegtuhu qayb ka ahayn geedi-socodkeeda. Xatooyada qoraalka waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu baahsan ee lagu arko cilmi-baarista iyo qoraallada aqooneed. Tani waxay dhacdaa marka qof si ula kac ah u adeegsado qoraalka, fikradaha, ama natiijooyinka cilmiyeed ee qof kale, isaga oo aan si sax ah u tixraacin ilaha laga soo xigtay xogta. Dunida horumartay, ficilkan wuxuu keeni karaa ciqaabo culus. Arrintani waxay si toos ah u saameysaa tayada aqoonta iyo cilmi-baarista, waxayna carqaladeysaa ...
  Caqabadaha Qorista Maqaallada Cilmiyeed Qorista maqaallada cilmiyeed guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto waxa lagala kulmaa caqabado badan oo waaweyn, sababo la xiriira baahida weyn ee ka jirta dhanka kaabeyaasha cilmi-baarista iyo god-daloolooyin badan oo ku jira nidaamka waxbarashada sare. Caqabadahaasi waxaa ka mid ah helitaanka ilo cilmiyeed oo muhiim ah sida joornaalada aqooneed (academic journals), xog ururiyeyaasha cilmiyeed (databases), iyo maktabado si wanaagsan u qalabeysan. Tan waxay si weyn u adkeyneysaa in la helo xog cusub oo la isku halleyn karo. Xarumo waxbarasho oo badan, oo ay ku jiraan jaamacadaha ku yaalla dhulka Soomaalidu degto, ma haystaan waaxyo cilmi-baaris oo shaqaynaya, sidoo kale waxaa meesha ka maqan macallimiin khibrad u leh hagidda qorista cilmiyeed iyo taageero muuqata oo ka timaadda hay’adaha waxbarashada ee heer jaamacadeed. Luqadda Ingiriisiga, oo inta badan looga baahan yahay in maqaalada cilmiyeed lagu qoro, ayaa ah caqabad kale, maadaama ay...