Xadgudubka waxbarashadda iyo Saameyntiisa
Xadgudubka aqoonta waxa lagu qeexaa sheegasho aqooneed oo aan waafaqsanayn anshaxa iyo hufnaanta waxbarasho, taas oo uu arday ama cilmi-baare si ula kac ah ugu sameeyo shaqooyinka waxbarashada. Ficilladan waxay sababi karaan in la helo natiijooyin aan dhab ahayn, kuwaas oo si weyn u dhaawaca kalsoonida nidaamka waxbarasho. Noocyada ugu waaweyn ee xadgudubka aqoonta waxaa ka mid ah xatooyo qoraal (plagiarism), khiyaano imtixaan, been-abuur xogeed (fabrication), iyo sheegasho qoraal aqooneed oo aanu sheegtuhu qayb ka ahayn geedi-socodkeeda.
Xatooyada qoraalka waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu baahsan ee lagu arko cilmi-baarista iyo qoraallada aqooneed. Tani waxay dhacdaa marka qof si ula kac ah u adeegsado qoraalka, fikradaha, ama natiijooyinka cilmiyeed ee qof kale, isaga oo aan si sax ah u tixraacin ilaha laga soo xigtay xogta. Dunida horumartay, ficilkan wuxuu keeni karaa ciqaabo culus.
Arrintani waxay si toos ah u saameysaa tayada aqoonta iyo cilmi-baarista, waxayna carqaladeysaa horumarka aqooneed ee bulshada.
Haddaba, si looga hortago xadgudubyada noocan ah, jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashadu waa inay hirgeliyaan siyaasado adag oo lagula tacaalayo falalka aan waafaqsanayn anshaxa aqoonee. Sidoo kale, waa in la hirgeliyaa tababbarro ku saabsan anshaxa qoraalka, iyo kormeer nidaamsan oo lagu ogaado xadgudubyada jira.
Ugu dambayn, si loo ilaaliyo sumcadda iyo tayada waxbarashada sare, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirrigeliyo daacadnimada, lana baro ardayda xirfadaha qoraalka cilmiyeed ee saxda ah, iyo in la xisaabtamo qofka ku kaco xadgudub aqooneed.
Dr. Hassan sh Abdirahman Elmi (PhD)
Comments
Post a Comment