Qaniinyada masaska Geeska Afrika

 Qaniinyada masaska Geeska Afrika waa arrin caafimaad oo culus balse inta badan aan si wanaagsan loo soo sheegin, gaar ahaan meelaha miyiga ah ama ka fog xarumaha caafimaadka. Gobolkani waxa uu hoy u yahay noocyo badan oo masas ah, inkastoo kuwa qaniinyadoodu khatarta tahay ay kooban yihiin, sida noocyada abeesada(vipers), abgurida(puff adders), noocyada kobraha(cobras), jilbiska(mambas), iyo kuwo kale oo tiro yar. 

Qaniinyada noocyadan waxa ay sababi karaan dhimasho, naafo, barar, iyo dhaawac unugyada ah haddii aan si degdeg ah loo daaweyn.

Helitaanka adeegyada caafimaad ayaa xaddidan meelaha ay inta badan ka dhacaan qaniinyadu, waxaana xaaladda sii adkeeya aqoon la’aanta noocyada masaska, helitaan la’aanta daawada ka hortagga sunta (antivenom), iyo dib u dhaca lagu gaadho xarumaha caafimaadka, gaar ahaan tuulooyinka fog.

Intaa waxaa dheer, dhaqamada bulshada iyo ku tiirsanaanta daawo dhaqameedka ayaa mararka qaarkood dib u dhigta daaweynta, taas oo ka sii dartay xaaladda.

Tallaabada ugu habboon ee lagu yareyn karo halista ka timaadda qaniinyada masaska waa in la kordhiyo wacyigelinta bulshada ee ka hortagga qaniinyada, in laga shaqeeyo  helidda daawada suntan qaniinyada (antivenom) iyo in kor loo qaado xirfadda shaqaalaha caafimaadka si ay si habboon ugu maareeyaan xaaladaha qaniinyada masaska.

 Dr. Hassan Sh Abdirahman Elmi (PhD)

Comments

Popular posts from this blog

Xadgudubka waxbarashadda iyo Saameyntiisa