Dib-u-eegista Nidaamsan (Systematic Review)

 Dib-u-eegista nidaamsan (systematic review) waa hab cilmiyeed nidaamsan oo lagu soo koobo caddayn cilmi baarista ee mowduuc ama su’aal. Samaynta dib-u-eegista nidaamsan waxay raacdaa nidaam cad sida  qeexidda su’aal cilmiyeeda oo diiradda saaraysa, dejinta shuruudo cad oo lagu xusho daraasadaha la tixgelinayo, iyo samaynta baaritaan ballaaran oo ku saabsan xog-ururin cilmiyeed. Ujeedadu loo sameeyo dib u eegista nidaamsan waa in la helo dhammaan cilmi baarisyada tayada sare leh ee ka jawaabaya su’aasha cilmiyeed, lana soo koobo natiijooyinkooda si hufan oo la soo celin karo. Waxaa badanaa loo isticmaalaa si loo taageero go’aamada, in la muujiyo meelaha cilmi-baaris dheeri ah looga baahan yahay, iyo in la bixiyo soo koobid la isku halayn karo. Habkan wuxuu yareeyaa eexda wuxuuna kordhiyaa kalsoonida natiijooyinka laga soo saaro qoraallada hore.

Comments

Popular posts from this blog

Xadgudubka waxbarashadda iyo Saameyntiisa

Qaniinyada masaska Geeska Afrika