Caqabadaha Qorista Maqaallada Cilmiyeed
Qorista maqaallada cilmiyeed guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto waxa lagala kulmaa caqabado badan oo waaweyn, sababo la xiriira baahida weyn ee ka jirta dhanka kaabeyaasha cilmi-baarista iyo god-daloolooyin badan oo ku jira nidaamka waxbarashada sare. Caqabadahaasi waxaa ka mid ah helitaanka ilo cilmiyeed oo muhiim ah sida joornaalada aqooneed (academic journals), xog ururiyeyaasha cilmiyeed (databases), iyo maktabado si wanaagsan u qalabeysan. Tan waxay si weyn u adkeyneysaa in la helo xog cusub oo la isku halleyn karo. Xarumo waxbarasho oo badan, oo ay ku jiraan jaamacadaha ku yaalla dhulka Soomaalidu degto, ma haystaan waaxyo cilmi-baaris oo shaqaynaya, sidoo kale waxaa meesha ka maqan macallimiin khibrad u leh hagidda qorista cilmiyeed iyo taageero muuqata oo ka timaadda hay’adaha waxbarashada ee heer jaamacadeed.
Luqadda Ingiriisiga, oo inta badan looga baahan yahay in maqaalada cilmiyeed lagu qoro, ayaa ah caqabad kale, maadaama aysan ahayn luqadda hooyo ee qoraha Soomaaliyeed. Sidoo kale, la’aanta nidaam rasmi ah oo dib-u-eegista asxaabta (peer review), fursad la’aanta latalin cilmiyeed, iyo jiritaanka joornaalo cilmiyeed oo aad u kooban ama gabi ahaanba ka maqan dhulka Soomaalidu degto, ayaa ah caqabado si gaar ah u adkeeya geeddi-socodka qorista cilmiyeed. Intaa waxaa dheer, u gudbinta maqaallada joornaalada caalamiga ah waxay la socotaa caqabado ay ka mid yihiin qarashka daabacaadda, faham la’aanta habraacyada aqbalaadda, iyo mararka qaar eexda lagula dhaqmo cilmi-baarayaasha ka yimid dalalka horumarkoodu hooseeyo.
Iyada oo ay jiraan caqabada haa badani, hadana waxaa isa soo taraya xiisaha cilmiyeed ee gudaha, iyadoo jaamacado ay ka mid yihiin Jaamacadda Jigjiga, SIMAD, iyo Amoud ay bilaabeen dadaallo dheeri ah oo lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo qorista aqooneed. Tallaabooyinkan rajada leh ayaa tilmaamaya isbeddel suurtagal ah oo mustaqbalka dhow kor u qaadi kara tayada iyo tirada qoraallada cilmiyeed ee kasoo baxa dhulka Soomaalidu degto.
ALLA MAHAD LEH
Comments
Post a Comment